June 20, 2020 | Posted by admin

Munaasabad lagu daah furayo mashruuca dhismaha Dekeda Hobyo oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dekedaha iyo Kalluumeysiga Galmudug ayaa xalay ka dhacday magaalada Hobyo.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad, Xildhibaano ka tirsan Federaalka, Wasiiro ka tirsan Galmudug, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo odayaasha dhaqanka.

Ugu horeyn ayaa waxaa munaasabadda lagu soo bandhigay qorshayaasha ugu horreeya ee dhismaha Dekeda Hobyo, oo dhowr jeer oo hore dhagax dhig aan dhameystir laheyn loo sameeyay, waxaana intii munaasabadda socotay yabooh lacageed loo sameeyay mashruucaas.

Qaar ka mid ah siyaasiyiintii ka qeyb gashay munaasabadda ayaa balan-qaaday yabooh lacageed oo ay uga qeyb qaadanayaan dhismaha mashruuca Dekeda Hobyo, waxaana ka mid ahaa Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad oo balan-qaaday inuu bixinayo 10,000 oo dollar

Wasiirka Dekedaha iyo Kalluumeysiga Galmudug Cabdisaabir Nuur Shuuriye ayaa sheegay in wajiga koowaad ee mashruuca dhismaha Hobyo ay ku baxeyso illaa 90milyan oo dollar, ayna bixin doonaan ganacsatada reer Galmudug.

Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa lacag gaareysa 50milyan ka balan-qaaday Guddoomiyaha Beesha H/gidir Prof. Shirwac oo xusay inuu beesha ka aruurin doono lacagtaas, si loogu bilaabo dhismaha Dekeda Hobyo.

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow ayaa isna sheegay in 40-milyan oo dollar laga soo aruurin beelaha kale ee dega Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa sheegay in dhismaha Dekeda Hobyo si rasmi ah ay u bilaabi doonaan inta lagu guda jiro sanadkan, isagoo xusay in si isku tashi ah oo is-xilqaan lagu dhisi doono.

COMMENTS