October 26, 2021 | Posted by admin

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa ka hadlay Xaaladda Galmudug, waxuuna si kulul ugu Eedeeyay Ahlusuna inay masuul ka yihiin wixii dhacay,

Qoor qoor ayaa yiri ” nimankaan sheegana Magaca wanaagsan ee Ahlusuna waa kuwa dhibaateeyay dadka shacab ah iyagoo ku gambanaya Diinta islaamka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa faray dhamaan Hay’adaha gurmadka ah iyo cidwalba inay gurmad la gaarto dadka lagu Barakiciyay Dagaalka Gurceel.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa cadeeyay in Mowqifka Galmudug uu cadyahay islamarkaana Muddo dhan 22 Maalin ay ku sugnaayeen Gurceel, wadahadalna laga waayay ka dibna ay sameeysteen dhufayso cusub waxuuna sheegay in Dowladda galmudug ay garatay inay iska difaacdo Ragaan Ahlusuna sheeganaya.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa dhanka kale sheegay in galmudug ay xilli kasta ay diyaar u tahay in ay Wada hadal ay la sameyso Qof kasta oo wax tabanaya.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye qoor qoor ayaa sheegay in ay jiraan dad Hurinaya Colaada galmudug gadaalna ka riixaya Xubnahaan Ahlusuna

COMMENTS