June 6, 2021 | Posted by admin

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn turxaanbixinta ay dowladdu sheegtay inay ku sameysay guddiga doorashooyinka, oo tabasho laga qabay qaar ka mid ah xubnaha doorashooyinka.

Shir jaraa’id oo uu goor dhow ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in hab aan caddaalad ahayn loo maray turxaanbixinta guddiga.

“Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Midowga Musharraxiinta aanan laga talogelin markii la sameynayay turxaanbixinta.

“Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha. Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay.” Ayuu yiri.

Wuxuu ugu baaqay Ra’iisul Waasaare Maxamed Xuseen Rooble, in wax laga qabto cabashada ay qabaan.

COMMENTS