July 15, 2016 | Posted by daacad yare

Beesha ajuuraan oo ka mid ah beelaha soomaaliyeed ayaa maanta muqdsho ku caleema saaray ugaas ay yeelatay beeshaas.

Nabadoonka la caleema saaray ayaa lagu magacaabaa ugaas cabdi shiikh maxamuud waxaana lagu caleema saaray magaalada muqdisho ka dib munaasabad halkaa ka dhacaday.

Caleema saarka ugaaska waxaa ka soo qayb galay waxgarad siyaasiin iyo odayaal ka socda beesha ajuuraan waxa ayna sheegeen in ay ku faraxsan yihiin caleema saarka ugaaska.

Ugaas cabdi shiikh maxamuud oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay xilka culus oo beeshiisa ay udhiibtay islamarkaana uu ka soo dhalaali doono wax yaabaha looga baahan yahay.

Ugu dambeyn waxa uu dar daaran ujeeday beesha ajuuraan waxa uuna ka dalbaday in lala garab istaago howsha adag oo xiligaan loo idmay.

HALKAAN KA DHAGAYSO.

caleema saarka suldaan beesha ok 15 7 2016 (2)

HALKAAN KA DAAWO SAWIRADA.

 

COMMENTS