February 16, 2021 | Posted by admin

Allaha u naxariistee waxaa Caawa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Caalimkii weynaa ee Soomaaliyeed Sheikh Nuur Baaruud Gurxan.

Sheikh Nuur Baaruud oo ka mid ahaa culimada diinta Islaamka ee ugu magaca dheer Soomaaliya iyo geeska Afrika, waxa uu cimrigiisa oo dhan u huray fidinta iyo barista dadka ee diinta, isagoo aan waligii ka gabban caddeynta xaqa xaalad kasta oo uu ku jiro.

Warar ayaa sheegaya in sheekha uu ugeeriyooday Xanuunka COVID19, Balse Dowladdu Ma xaqeejin Arintaas.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaana ka Tacsiyeeyay

COMMENTS