July 23, 2021 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka jawaabaya tallaabadii muwaadiniin Soomaaliyeed looga horjoogsaday in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde,ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane & taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sh Cali.

Afhayeenka Xukuumada Maxamed Ibraahim Macalimuu oo goor dhow ka hadlay shir jaraa’id ayaa sheegay in muwaadiniintii maanta laga joojiyay inay u duulaan gobolka Gedo ay xaq u leeyihiin inay ka duulaan garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Talaabadan uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilka uga qaaday labadan sarkaal ayaa timid kadib markii maanta garoonka diyaaradaha laga soo celiyay Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu.

COMMENTS