February 26, 2021 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda gurigiisa ugu tegay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Call Khayre.

Shir ayaa Hada uga socda Labada Masuul Hoteelka Baradise oo ku dhaw Hoteelka Jazeera ee Muqdisho, waxaana Warar Hoose ay sheegayaan in Rooble uu Raali galin ka siinayo Ra’isul Wasaare Khayre Weerarkii Lagu qaaday Banaanbax uu Hogaaminayay.

Musharax Madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaana shalay ka Qeyb-galin Shirkii Musharaxiinta iyo Xukuumadda ay Heshiis ku kala saxiixdeen.

COMMENTS