September 23, 2020 | Posted by admin

Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa Codka kalsooniyada siiyay Ra’isul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxaana codka siiyay 215 Xildhibaan sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal.

Ansixinta ka dib waxaa lagu dhaariyay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya Ra’isul Wasaaraha Cusub ee dhawaan La Magacaabay.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Mudane Baashe ayaana dhaariyay Wasiirka Kowaad ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Ugu dambeyn Ra’isul wasaare Rooble ayaa umahad-celiyay Golaha Baarlamaanka JFS, waxuuna Balan qaaday 8 qodob uu wax ka qaban doono, waxaana balanqaadkiisa ka mid ahaa Wax ka qabashada Amniga, dhaqaalaha, Garsoorka iyo Cadaaladda, Musuq maasuqa iyo arima Kale

COMMENTS