May 5, 2021 | Posted by admin

Saddex qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyootay qarax xooggan oo goordhow ka dhacay Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir, waxaana lala eegtay gaari SURF ah. 

Waxaa jiro dhaawacyo kale oo ka dhashay qaraxa, waxaana goobta baaris ka wada ciidamada amaanka Dowladda Soomaaliya 

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan qaraxa kana soobaxay maamulka Degmada kaxda ee Gobalka Banaadir, waxaana qaraxyada nuucaan ah ay ku soo kordheen maalmihii la soo dhaafay Muqdisho

Sawiro laga soo qaaday gaariga Qaraxa lala eegtay ayaa waxaa ka muuqanayay Burbur xoogan

COMMENTS