July 8, 2020 | Posted by admin

Qarax miino ayaa ka dhacay Meel udhaw Madaxtooyadii Hore ee C/qaasim oo ku taala Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

Qaraxa markii uu dhacay ka dib waxaa xigay risaas ay rideen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, waxaana Qaraxa lala eegtay Ciidamo Dowladda ka tirsan oo marayay Halkaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miinada dhulka lagu aaso taas oo ku qaraxday gaari ay wateen ciidamo boolis ah .

Wali wax war ah lagama haayo qasaaraha ka dhashay qaraxaasi balse waxii ka soo kordha dhawaan ayaan idiin soo gudbin doona insha allah.

COMMENTS