June 20, 2020 | Posted by admin

Mooshin ay ku saxiixan yihiin 132 Xildhibaan ayaa loo gudbiyay guddoonka Golaha Shacabka.

Mooshinka ayaa la xiriira in kuraasta xildhibaanada haweenka ay ku leeyihiin labada golle ee Baarlamaanka ay ku tartamaan doorashada soo socota keliya haween si loo xaqiijiyo qoondada haweenka isla markaana aan la isku darin kuraasta haweenka iyo raga ee labada golle ee baarlamaanka.

Xildhibaan Xaniifa Xaabsade ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka hor aqrisay mooshinka ay gudbiyeen, Waxaana ay sheegtay in Gudoomiyaha laga rabo aqbalida Mooshinkooda.

COMMENTS