June 24, 2022 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Maanta Dalka dib ugu Soo laabtay, waxaana Laga helay Caabuqa faafa ee COVID-19.

Bogga Rasmiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa lagu xaqeejiyay in Madaxweynaha uu ku dhacay Caroona waxaana Qoraalka Lagu yiri

” Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19.

Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19.

Waad ku mahadsantihiin ducadiinna iyo garab-istaaggiinna.

Allaa mahad leh.

COMMENTS