March 10, 2017 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya Degmada Balcad ee Gobalka sh/dhaxe ayaa sheegaya in Goor dhaw Degmada Balcad ay soo gaareen Madaxwaynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Ku xigeenkiisa.

Madaxwaynaha iyo Ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe waxaa safarka ku wehlinaya xubna ka tirsan Maamulka Hirshabeelle sida ay inoo sheegeen Madaxda Balcad.

Hada waxa ay kulama la leeyihiin Qaar ka mid ah Madaxda Degmada Balcad waxa ayna kala hadlayaan Dar dar gelinta Howlada adeegyada aas aasiga ah, dhanka abaaraha iyo sidoo kale arima kale.

La soco Faah faahinta.

COMMENTS