January 9, 2022 | Posted by admin

Israsaaseyn u dhaxeeysa Ciidamadda Booliska Saldhigga Degmadda Guriceel iyo Ciidanka Gorgor ee Militariga ayaa laga maqlayaa gudaha Magaaladda gaar ahaan inta u dhaxeya Saldhigga ilaa Beder 1.

Sababta is rasaaseynta keentay ayaa lagu sheegay isfahmaa ka dhashay Askar ka tirsan Ciidamadda Gorgor oo kamid noqday Dad ay xireen shalay Ciidanka Booliska laguna eedeeyay falal amni darro in ay qayb ka ahaayeen.

Israsaaseynta ayaa bilaabatay kadib markii ay maanta isku dhaceen Ciidamo ka tirsan Gorgor oo arintaas ka carooday soona galay magaaladda iyo kuwa Booliska.

Hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Gorgor ayaa la xaqiijiyay in iska horimaadkan uu ku dhintay, waxaana Ciidamadda Gorgor ay joogaan Agagaarka Beder 1 halka Ciidanka Booliska iyaguna ay ku suganyihiin Saldhiga Booliska ilaa dhabarka Dambe ee Xadiyo Cad.

Degmadda Guriceel waxaa Habeen iyo Maalinba laga maqlaa Rasaas iska dhaceysa oo Ciidamadda Dowladda ay ridaan taas oo dadka Shacabka ah ay walaac ka muujiyeen, waxaana kulamo Amni oo dhowr mar arintaas lagusoo hadal qaaday ay noqdeen kuwa aan waxba kasoo kordhin.

COMMENTS