September 20, 2022 | Posted by admin

Ciidamada Dowlada ayaa la wareegay gacan ku haynta Deegaanka Sina-dhaqo oo dhanka Koofur ka xiga Magaalada Dhusamareb Halkaas waxaa ku sugnaa dagaalamayaal ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Sida wararku sheegayaan waxaa halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban oo dhexmaray Ciidamada iyo Dagaalamayaashii Al-shabaab ee halkaasi joogay waxa ayna wateen Labo Gaari oo ah Nuuca Dagaalka.

Baaritaano ayaa haatan Ciidamadu ka wadaan sida Saraakiishu inoo sheegeen talaabadaan ayaana qayb ka ah howlgalka Alshabaab ka dhanka ah.

COMMENTS