September 20, 2022 | Posted by admin

Alshabaab ayaa ku amartay Dadka iska leh Goobaha Ganacsi ee ku yaala Daarta Soobe in ay xiraan cidii Amarkaasi diidana tilaaba ay kaa qaadi doonaan.

Ma cada sababta rasmiga ah ee ka danbeysa arintan waxaase ay usheegeen Dadka ay lasoo xiriireen in sababta ay usheegi doonaan marka ay amarka fuliyaan.

Dadka iska leh Goobaha ganacsi ee ku yaala Daarta Soobe ayaa hada isku diyaarinaya fulinta Amarkan.

Lama oga Dowladda Soomaaliya jawaabta ay ka bixin doonto go’aankaan alshabaab ay soo saareen hadii dadka iska leh daartaas ay dhaqan galiyaan amarka Alshabaab

COMMENTS