September 21, 2020 | Posted by admin

Dilka wadaha mooto Bajaajta  ayaa ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda Soonakey, sida ay ku warrameen dad goobjoogayaal ah, waxaana lagu eedeeyay dilkaas, askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Darawalka moota Bajaajta ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Bile Cali Diini, waxa uuna ahaa Aabbe haaysta dhowr carruur ah, islamarkaana ay u dhexeen laba xaas, sida ay ku warrameen ehelkiisa.

Askarigii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta uu falku dhacay sida ay sheegeen qaar ka mid ah wadayaasha Bajaajta.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay sida uu dilka u dhacay, wararka qaar ayaa sheegaya in askariga oo taagan waddada dhinaceeda uu ka codsaday Bajaajlaha la dilay inuu qaado, kadibna markii uu ka degay uu xabad ku billaabay, sidaasna uu u dilay, Halka wararka qaar warbaahinta Muqdisho ay sheegayaa in askariga oo isticmaalay wax-yaabaha maanka dooriya, taas oo aan illaa iyo hadda si buuxda loo xaqiijin.

Ma jiraan war kasoo baxay laamaha ammaanka ee Gobolka Banaadir oo ay uga hadlayaan dilka dhacay, waxaana Meydka maxruumka la dhigay cisbitaalka madiina ee magaalada Muqdisho.

COMMENTS