June 21, 2020 | Posted by admin

Kooxo hubeysan ayaa  goordhaw xaafadda Fagax dhanka degmada Yaaqshiid ku dilay wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka mid ahaa dadka ku shaqeysta Mootooyinka loo yaqaano Mooto Bajaajta.

Sidda dadka degaanka ay xaqiijiyeen Marxuumka waxaa dilay rag damacsanaa in ay ka dhacaan Mooto uu watay, hase yeeshee Marxuumka ayaa diiday inuu dhiibo furaha Mootada.

Wiilka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray  Cabduqaadir Goosaar, waxaana Kooxaha hubeysan la sheegay in dilka ka dib ay la baxsadeen Mootaddii uu watay, islamarkaana ay kula dhex carareen Xaafadda Fagax ka ag dhaw.

Maal mihii la soo dhaafay Muqdisho waxaa ka jirtay cabsi ay qabaan Darawalada Bajaajta ka dib markii ay badatay dhaca iyo dilalka salka ku haaya Bajaajta in la iska dhaco.

COMMENTS