June 6, 2020 | Posted by admin

Dagaal u dhaxeeya laba malleeshiya beeleed, ayaa saakay waxaa uu ka socdaa degaanno dhaca gobolka Hiiraan, kaasoo geystay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in dagaalka uu ka socda Deegaanada Ceyr daye iyo miira jibaale oo ka tirsan gobolka Hiiraan.


Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay Dagaal uu ka qarxay deegaanad Ceyr Daye iyo Miira jibaale ayaa waxaa uu sababay dhimashada 2qof, Halka Dhaawacna Ujiro

Dad xoolo dhaqato ah ayaa wararku tibaaxayaan in dagaalku uu u dhaxeeyo wuxuuna ahaa mid soo jiitamayay in muddo ah.
Degaanka uu dagaalka ka socdo ayaan la ogaan Karin xaaladdiisa waxaana aad u xun isgaarsiinta degaankaasi.

Maleeshiyaadka diriraya ayaa maalmihii la soo dhaafay isku hor fadhiyey halkaasi, iyadoo ay fashilmeen dadaallo la doonayey in lagu dhex-dhexaadiyo labada dhinac.
Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ku soo laa laabta dagaal beeleedyo u dhexeeya maleeshiyaad deegaanka oo ku wada sugan gobolkaasi.

COMMENTS