January 23, 2021 | Posted by admin

Ugu yaraan 5 qof ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro shacab iyo ciidan.

Dilalkaan ayaa ka kala dhacay degmooyinka Wadajir, Hodan, Howl-wadaag iyo Kaaraan waxaana dadka la dilay ay kala yihiin 2 Askar ah iyo 3 shacab ah.

Masuuliyiinta amniga wali kama aysan hadlin dilalkaan ka dhacay Muqdisho. Dadka ay bastooladeydu maanta ku dileen Muqdisho ee 5-ta qof ah haddii lagu daro kuwii qaraxa ku dhintay waxey wadartu noqoneysaa 9 qof oo maanta kaliya dhintay.

COMMENTS