January 13, 2021 | Posted by admin

Degmada Warta Nabada ee Gobalka Banaadir waxaa ka socota Barakicinta dad shacab ah oo gaaraya Boqolaal Qoys oo danyar ubadan.

Waxaa Laga Barakiciyay Qeybo ka mid ah Xaafada Xamar Bile ee Degmada Wardhiigley, waxaana dadka Deegaanka oo ila soo xariiray ay iisheegeen in Goobihii ay deganaayeen si Awood ah looga Saaray Lagana dumiyay Guryahooda.

Sida aad ujeedaan Barxada Banaan waxaa Laga dumiyay Guryo ay shacab deganaayeen, waxaana Wararku ay sheegayaan in Goobta Dadkaasi Laga Barakiciyay ay ilaalo ka haayaan Askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Wata Gaadiidka Dagaalka, gaar ahaan Cabdi bilaha Boliiska iyo Milateriga.

Dadku waxay ku eedeeyeen Falkaan Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada Seynab Xaabsey iyo Gudoomiye ku xigeenka Amniga Maamulka Gobalka Banaadir Cali yare Cali iyo Masuuliyiin ka Tirsan Dowladda.

Maanta Muqdisho waxaa Ka furmay shirka Garsoorka dalka, waxaana Muqdisho ka socda Barakicinta Shacabka.

COMMENTS