July 22, 2021 | Posted by admin

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku soo dhigay, dhamaan eedeysanayaashii la rumeysanyahay in ay dhibaateeyeen UBAX IBRAAHIM CABDULAAHI.

Ubax, ayaa lagula kacay falal bini’aadanimada ka baxsan, Diinteena iyo shuruucda kale ee dalka ayaa damaanad qaaday, Sharafta, Karaamada iyo Xushmada Muwaadinka Soomaaliyeed sida uu shaaciyay Afhayeenka Boliiska Somaliya.

Boliiska Soomaaliya waxay sheegeen in Cadaalada ay Mari doonaan dadkaan Lagu soo Eedeeyay Kufsiga iyo Falal kale  oo diinteena suuban ka baxsan.

Ubax ayaa dhawaan Loo gaystay Kufsi waxaana Boliisku shaaciyeen in dadkii ka dambeeyay Falkaasi ay Gacanta Ku soo dhigeen

COMMENTS