September 19, 2016 | Posted by admin

Waxaa Goor dhaw magaalada Hogue ee dalka Holland ka bilaabatay Dacwada badda ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo sidoo kale dalka Kenya.

Muuqaallo laga soo qaaday Maxkamada ICJ ayaa muujinaya Qaar ka mid ah Qareenada Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya u kala doodaya oo jeedinaya khudbado kala duwan iyo sidoo kale Ma’suuliyiin ka kala tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo goobta ka hadlaaya.

Maxkamada ayaa socon doonta 2 Maalmood oo labada dal ay soo jeedinaya dacwadaha badda ee ay isku haystaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in xaga sharciga ay ku kala baxaan dhigeeda Kenya oo iyana dooneysa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka dhinaca badda ee ka dhaxeeya labada Dal.

COMMENTS