September 30, 2020 | Posted by admin

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in goor dhaw uu ka kacay dab xoog leh.

Dabka ayaa ka kacay xarun lagu keydiyo shidaalka oo ku taalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Illaa hadda lama soo werin wax khasaare nafeed ah, balse waxaa jira khasaare maaliyadeed oo xoog leh, sida ay noo sheegeen qaar kamid ah dadka ku howlan deminta dabkaas.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka mid ah magaalooyinka dalka ee aan la heyn wax dab-demis ah, waxaana jirta cabsi xoog leh oo laga qabo in dabkaasi uu ku sii baaho goobo hor leh.

COMMENTS