September 26, 2016 | Posted by admin
Maxkamadda Sare ee soomaaliland ayaa soo saartey afar qodob oo lagu xalinaayo khilaafka udhaxeeyay Mudo xisbiga Ucid ee soomaaliland waxa ayna soo saaray Qodobadaan Hoos ku qoran.
- Xisbiga UCID uu ku qabsaddo shir-weyne aan caadi ahayn muddo 60 Cisho gudahood ah,kana bilaabmaysa maanta, waxaana ergadda Shir-weynaha loo raacayaa Xeerka Xisbigga ee ay labada garab isla gaadheen 2012-kii
- Waxay Maxkamadda sheegtay in guddigga qaban-qaabadda shir-weynaha oo ka kooban Tobban Xubnood ay labadda dhinac kala qaadanayaan, isla-markaasna uu marjicoodu noqonayo Hogaanka sare ee Xisbigga.
- Waxay Maxkamaddu caddeysay in Heshiiska ay wada-galeen Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen uu ansax noqonaayo uun marka uu qabsoomo shirweynaha Xisbiggu.
- Waxa kale oo ay Maxkamaddu burisay qodobo ku jiray go’aamaddii Guddigga Ururadda Siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qarranka.
Labada dhinac ee Xisbiga ayaa soo dhaweeyey go’aanka Maxkamadda.
Maxamed Daacad Muqdisho.
COMMENTS