October 19, 2020 | Posted by admin

Amb Daahir Geelle ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal ku saabsan falkii sida afduubkii ahaa ee xalay saqdii dhexe loo gaystay wariye Cabdullahi Kulmiye oo ciidamo ka tirsan NISA hoygiisa kala bexeen.

qoraalka Amb Daahir Geelle ayaa sidaan u qornaa:

Xirfadle in xirfaddiisa lugu xiro sidoo kale waxay eheed xaaraan aan xeer bannaynayaa jirin mid xarrimaya mooyee.
Dhaqanka dawladinimada waxaa ka mid ah in xeerarka la raaco lana dabaqo. Guri iskugu daadashada, albaab isku jebinta iyo isku guurayntuna waa dhaqamada lugu yaqaano jabhadaha waxayna suurad xumaynaysaa dawladnimada.

Xukuumadda Madaxwayne Faramaajo xeerarka dalka ma xeeriso, waxaa jira dhacdooyin tixane ah oo ka dhan ah sharafka dawladnimida iyo xeerarka dalka.
Falka Weriye Cabdullahi Kulmiye oo gurigiisa ay ugu dheceen ciidamo xilli habeen ah waa fal lid ku ah sharciga dalka oo u baahan in la saxo lagana dhiidhiyo.
Xeerka Ciqaabta Soomaliyeed qodobkiisa 44aad, faqradiisa 3aad wuxuu xarrimaysaa 6da maqribnimo illaa 7-da subaxnimo in waaran xarig ah loo geeyo muwaadin, iskabadaa in gurigiisa loo dhaco saq-dhexe ayadoon la wadan wax waaran ah.
Dawladdu waa dawladdeenii maahan jabhad na haysta, dawladdu waxay haysataa sharciyad ay dadka ku xirto kuna xeer-mariso, maxay tahay waxa dawladda ku qasbayaa in ay tuugaysato oo ay saq-dhexe dadka albaabada ku jebiso.

Waxaan ku baaqayaa in Wariye Cabdullahi Kulmiye si deg deg ah xurriyaddiisa loo siiyaa haddii dembi lagu tuhmaa loo maro hab sharci ah, ciddii falkaas gaysatayna sharciga la marsiiyo.

W/Q:Musharx Madaxweyne, Amb Gelle

COMMENTS