November 16, 2020 | Posted by admin

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa Maanta dhagax dhigay dhismaha wado xiriirisa Isgoysyo ku yaalla degaamoyin ka tirsan Gobolka.

Duqa Muqdisho ayaa shacabka ku dhaqan Dharkeenley iyo Wadajir kula dar-daarmay in ay ka qeyb qaataan dhismaha wadada oo aan helin dayactir 30-kii sano ee la soo dhaafay, isla markaana muhiim u ah isku socodka gaadiidka.

Munaasabada dhagax dhiga ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyeyaasha Dharkeenley iyo Wadajir, qeybaha kala duwan ee degmooyinkaas iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan  Maamulka Gobolka.

COMMENTS