April 5, 2021 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya kana mid ah Xildhibannada Aqalka Sare ee mudada xilheyntooda uu dhamaaday Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke aya ka hadlay shirraka looga hadlayo arrimaha doorashooyna ee ka socda Magaalada Muqdisho.

Senator Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay Bartiisa twitte-ka ayaa sheegay in Doorasho lagu kalsoonaan karo lagu gaari karo haddii arrimaha waaweyn ay ka wada hadlaan saamileyda siyaasadeed ee dalka.

“Doorasho lagu kalsoonaan karo ayaa lagu gaari karaa haddii arrimaha waaweyn ee ay wadaagaan dhammaan daneeyayaasha laga wada hadlo oo lagu heshiiyo shirarka socda  ayuu yiri” Senator Cumar Cabdirashiid.

Ugu dambeyn Senator Cumar Cabdirashiid ayaa ka digay in uu fashulmo wada-hadallada ku saabsan sidii looga heshiin lahaa Ajandaha Shirweynaha wadatashiga doorashooyika ama wada-hadallada dhinac kale loo leexiyo.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Teendhada Afisiyooni ee Magalada Muqdisho uu shir uga socday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed cabdullahi Farmaajo, Dowlad Goboledyada iyo Gobolka Banaadir, shirkaas  oo laga sugayo in Madaxda ay heshiis ku gaaraan.

COMMENTS