June 30, 2014 | Posted by admin


Kooxda Daacish (ISIL) ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Syria ayaa ku dhawaaqday inay asaaseen Khilaafadii Islaamka.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Milatariga Ciraaq aydagaalo culus kula jiraan kooxda mayalka adag ee Daacish, dagaalka ayaa ka dhacay magaalada Tikriit.

Afhayeen u hadlay dawladda Ciraaq ayaa sheegay in dawladdu ay la wreegtay gacan ku haynta jaamacdda magaalada Tikriit iyo goobo kale oo magaalada ka mid ah.

Kooxda Daacish ayaa dhinaca Internetka ku soo bandhigtay cod ay ku sheegtay in hoggaamiyaha kooxdaasi Abu Bakar al-Baqdaadi uu yahay khaliifka cusub ee umadda islaamka.

Shabakada al Qaacida ayaa hore ugu gacan saydhay damaca kooxda Daacish ay ku doonayaan inay khilaafada islaamka iyagu maamulaan, waxaana sidoo kale al Qaacida ay kooxdan ku eedaysay inaanay u hogaansamin amarka.

Ururada kale eek u xidhan al Qaacida iyo kooxda Daacish ayaa ku dagaalamay gudaha dalka Syria gaar ahaan magaalada Xalab (Aleppo).

COMMENTS