September 16, 2020 | Posted by admin

Ciidan ka tirsan Nabadsugida oo mushaar la’aan ka cabanaya ayaa goordhow xirtay inta u dhaxeysa Daljirka Dahsoon illaa Isgoyska Jubba.

Ciidamadan oo ku sugnaa saldhig ku yaalla garoonka diyaaradaha Dayniile ayaa isaga soo baxay, waxaana ay ka cabanayeen in muddo 3 bil aanay qaadan wax mushaar ah.

waxay joojiyeen dhamaan isu socodka Gaadiidka wadadaan waxaana Goobta soo gaaray saraakiil ka Tirsan Dowladda soomaaliya oo doonaya in ay xaliyaan ciidamada Cabashadooda.

Dhawaan waxaa Muqdisho sidaan oo kale ugu banaanbaxay ciidamo Milateri ah oo iyana ka cabanayay xuquuq la’aan

COMMENTS