June 21, 2020 | Posted by admin

HomeMaqal & Muuqaal

Dhageyso:-Ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan oo banaanbax ka dhigay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa Maanta dibadbax Cabasho waxaa ay Maanta ka dhigeen Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa taalada Daljirka daahsoon iyo Xarunta Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

Ciidamadaan oo ku labisan dareeska Millaetriga iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay sheegeen inay kamid yihiin qeybta 27aad ayna muddo Sanad iyo Sideed Bilood ah qaadan wax mushaar ah,isla markaana ay sababr ku Shaqeeynayeen.

Qaar kamid ah Ciidamada oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in muddo sanado ah ay ku jireen dafaacyada Ciidamada,iyada oo aan wax mushaar ah qaadan,hayeeshee Baarlamaanka ay ka maqleen in Ciidamada mushaar la siiyay.

Madaxda Sare ee Dowladda Soomaaliya ayay ugu baaqeen inay xaquuqdooda siiyaan,isla markaana ay madaxda ka sugayaan jawaabta ku aadan cabashadooda.

COMMENTS