February 17, 2021 | Posted by admin

Ciidamo aad u hubaysan oo wata gaadiidka dagaalka Oo ilaale u ah Madaxweynayaashii hore ayaa la wareegay guud ahaan hareeraha Hoteelka Maa’idda oo ay deganyihiin Madaxweynayaaahii hore ee Soomaaliya Xassan sheekh iyo sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ciidamada ayaa lagu arkayaa laga bilaabo shirka korontada Beco ilaa Agagaarka Bank Dhexe.

Maalinta Jimcaha ah ayaa La qorsheenayaa in Madaxdu ay ka qeyb galaan Banaanbax ka dhacaya Taalada Daljirka Dahsoon ee Looga soo Horjeedo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday

COMMENTS