February 18, 2021 | Posted by admin

Ciidamo ka amar qaata mucaaradka ayaa caawa ku hoyanaya xaafadaha iyo jidadka degmooyinka Boondheere, Xamar Weyne iyo Shangaani, kuwaas oo isu diyaarinaya in berri ilaaliyaan banaanbaxa ka dhacaya Muqdisho.

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goordhow xiray wadooyinka Muqdisho waxaana xiligaan haawaneyso Muqdisho oo ilaa saqdii dhexe mashquul ahaan jirtay.

Wadada hormarta madaxtooyada ayaa laga joojiyay guud ahaan gaadiidka waxaana dibada loo soo saaray ciidan iyo gaadiid dagaal. Inkastoo jawi colaadeed la dareemayo hadane wali waa dagantahay xaalada magaalada.

COMMENTS