December 21, 2010 | Posted by admin

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa ku geeriyooday mid kalena waa uu ku dhaawacmay ka gadaal markii ciidamo ka tirsan milateriga dowlada Somalia ay isku rasaaseeyeen agagaarka tiyaatarkii hore ee Qaranka oo ku yaala meel ku dhow xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Sida dad goob joogayaal ahi sheegeen israsaaseyntan oo socotay muddo daqiiqado ah ayaa bilaabatay markii askar ka wada tirsan ciidamada dowlada oo halkaasi ku wada sugnaa uu soo kala dhex galay muran ku aadan dhac loo gaystay dad shacab ah oo xalay askartaasi qaarkood ay soo dhaceen oo ay ku daba jireen koox kale oo askarta ka mid ah.

Tacshiirada ay labada dhinac weydaarsadeen ayaa khal khal badan gelisay dadkii ku sugnaa agagaaarka gurigii hooyooyinka, kuwaasoo ku kala cararay dhismayaasha halkaasi ku yaala si ay uga gabaadsadaan rasaastaasi inkastoo markii dambe xaaladu ay caadi ku soo laabatay markii ay soo kala dhex galeen ciidamo kale oo ka tirsan dowlada Somalia oo ka yimid dhanka Madaxtooyada.

Askariga dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay saraakiisha ciidamadu amar ku bixiniyeen in ciidamada wata dareeska dowlada ee dhaca u gaysta shacabka Soomaaliyeed hadii la arko la soo xiro ama la dilo.

COMMENTS