October 2, 2020 | Posted by admin

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo howlgal Qorsheysan ka fuliyay degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa dilay xubna ka tirsan Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay duleedka degaanka Bariire ee gobolka Shabellada Hoose waxayna Ciidanka Xoogga Dalka ku dileen Madaxii Hoobiyaasha Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka iyo xubna la socday.

Taliyaha Ururka 143 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa usheegay idaacadda ku hadasha Afka ciidamada qalabka sida in Howlgalka uu ahaa Mid qorsheysan isla markaana lagu dilay Shaqsiyaad ka tirsan Shabaab iyo Madaxii Hoobiyaasha kooxda

Dhamme Axmed xasan Siyaad waxa uu sheegay in Howlgalka lagu dilay ku dhawaad 17 ka tirsan Al-shabaab iyo Horjoogihii Hoobiyaasha

idaacadu waxay ku sheegtay Magaca Shaqsiga la dilay Abuu Nuur Mukhtaar oo ku magac dheer gaabshe

COMMENTS