September 6, 2020 | Posted by admin

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 21-aad ayaa gaaray Deegaanka Shabeelow Ee Gobolka Mudug halkaas oo dhawaan dadka deegaanku kula dagaalameen Al-shabaab.

Deegaankaan waxaa Lagu Magacaabaa Dhagaxleey Qiyaastii 20 KM ayuuna uJirra Shabeelow.

saaka ayay ciidanku dhaq-dhaqaaq ka wadaan iyagoo kaashanaya dadka deegaanka, Alshabaab ayaana iskaga carartay deegaankaas oo ay horay dad deegaanka ay shabaab Kula dirireen.

Qeybo ka mid ah Gobalka Mudug waxaa Maal mihii La soo dhaafay ka jiray Dagaalo udhaxeeyay Shabaab iyo dadka deegaanka waxaana labada dhinac la sheegay in ay soo gaareen Khasaare kala duwan.

COMMENTS