November 15, 2020 | Posted by admin

Ciidamo ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug ayaa burburiyay baco barkado loo ekaysiiyey oo xiisad ka abuurey  miyiga u dhaxeeya degaannada Baxdogaabo iyo laasbuur ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaano, wasiiro hore, guddoomiyaal xigeennada gobolka Mudug, maamulka Degmada Cadaado iyo saraakiil ciidan oo halkaasi tegay ayaa ka qeyb qaatay burburinta Bacaha Barkadaha loo ekeysiiyay.

Waxaa ay sheegeen mas’uuliyiintaas in marnaba aysan ogolaan doonin dadka dadka ku nool degaanada Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug colaad laga dhex abuuro, waxaana ay ugu baaqeen Ciidamada Ammaanka inay tallaabo ka qaadaan.

Degaannada Baxdogaabo iyo laasbuur ee gobolka Galgaduud ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagneyd xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba Beelood, kuwaas oo isku heystay Bacaha loo ekeeysiiyay Barkadaha.

COMMENTS