July 24, 2021 | Posted by admin

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Dowladda federaalka oo kaashanaya Ciidamo degaankaa ayaa hadda weerar Qorshaysan ku qaaday fariisimo ay Al-shabaab kaga dhuumaaleysanayaan Duleedka degaanka Qeycad.

Alshabaabka halkaas lagu weeraray ayaa xalay isaga baxay Dhofaysyadoodii Shalay ay ku duqeeyeen Diyaaradaha Maraykanka ee caawinaya Howlgalka ka socda Koonfurta gobolka Mudug.

Wararka aan ka helayno Dagaalkaan Cusub ee hadda Bilowday ayaa ku soo waramaya inuu qeyb ka yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Senator Abdi Qeybdiid iyo Amniga Axmed Macalin Fiqi kuwaas oo hogaaminayay Ciidamada Weeraray halkaasi.

La soco wixii warar ah ee ku soo kordha.

COMMENTS