October 22, 2021 | Posted by admin

kooxda Ahlusunna ayaa isaga baxday caawa Saldhiga Booliiska Guriceel oo ay maamulayeen mudo sadex todobaad ah, waxaana iminka ku xoonsan dad shacab ah oo gudaha iyo banaankaba isugu soo baxay.

Ka bixitaanka saldhiga ee Ahlusunna ayaa yimid kadib markii Ciidamada Galmudug & kuwa dowladda Federalka caawa galeen xaafado katirsan degmada Guriceel ee gobolka Galgadud sida ay xaqiijiyeen ilo xilkas ah oo la socda ciidanka DF iyo kuwa DG Galmudug

Saddex jiho oo magaalada ka mid ay ayay Ciidamadu ka galeen guriceel kuwaa oo kala ah jahooyinka Bari, Waqooyi & Koofur iyagoo ku wajahan xarumaha muhiimka ah ee Magaalada.

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug ayaana caawa gaaf wareegaya Meel kasta oo Gurceel ka Tirsan waxaana isaga baxay Ahlusuna caawa Gurceel.

COMMENTS