October 6, 2016 | Posted by admin

Muqdisho-Ciidamada ilaalada Xeebaha ee Dalka talyaaniga ayaa soo badbaadiyay Koow iyo toban kun oo qaxooti Afrikaan ah, howlgallo Badda u dhexeysa Libya iyo talyaaniga ay ka wadeen Saacadihii ugu dambeeyay.

Isu geyn 50 Qof ayaa dhimatay intay socdeen hawlgalladan lagu soo badbaadinayay Muhaajiriintan Afrikaanka ah, kuwaasoo ay ku jiraan haween iyo carruur uu naqasku ku dhegey ,markii ay ku neef qabatoobeen Doonnidii ay saarnaayeen oo buux dhaaftay.

Dadka la badbaadiyay iyo kuwa dhintay ayaa la sheegayaa inay badankood ka soo jeedaan Waddamada Soomaaliya, Nigeria, Eritrea, Guinea,Gambia,Sudan iyo Ivory Coast.

Ku dhowaad 150,000 Qof oo Qaxooti ah ayaa Sanadkan gaadhay Dalka talyaaniga, halka tirada ku dhimatayna ay ka badan tahay 3,000, kuwaasoo u badan Dad kasoo jeeda Qaaraddan Afrika.

Maxamed daacad muqdisho,

COMMENTS