July 16, 2021 | Posted by admin

Ciidamada amniga Galmudug ee ku sugan afaafka hore ee Magaalada bacaadweyne ee Gobalka Mudug ayaa fashiliyay weerar ismiidaamin ahaa oo loo adeegsanayay gaari land cruiser ah.

kadib markii ay ciidamadu toogteen wadihii gaariga, isla markaana uu qarxay gaariga, ma jiraan haba yaraatee wax khasaare ah marka laga reebo nafti haligihii gaariga wadey ee goobta lagu toogtay.

Goob barxad ah ayuu Qaraxu ka dhacay waxaana Muuqanaysa in Qaraxu ahaa Mid Culus, Waxuuna Burburiyay dhamaan Goobta Qaraxu ka dhacay.

COMMENTS