October 15, 2021 | Posted by admin

Degmadda Guriceel ee gobolka galgaduud waxaa ka jira xiisad dagaal ka dib markii ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka ay fariiso ka samaysteen deegaanka Ceeldheere oo u dhexeeya degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Ururka GorGor oo saakay ka baxay magaaladda Dhuusamareeb ayaa saldhig ka samaystay duleedka deegaanka Ceeldheere oo ku yaalla inta u dhexaysa Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Sida ay sheegeen saraakiisha Dowladda ee ku sugan duleedka Ceeldheere waxaa isku soo dhiibay gaari Booyad ah oo ciidanka Dowladda dhawaan looga qabsaday dagaal ka dhacay deegaanka Bohol ee gobolka Galgaduud.

COMMENTS