July 22, 2014 | Posted by admin

Bursaalax – Xildhibaanka ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,Cali Khaliif Galayr horayna usoo noqday ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa soo gaaray deegaanka Bursaalax ee degmada Galdogob,waxuuna tagi doonna deegaanno kale oo Puntland ka tirsan.

Ilo waredyo lugu kalsoonan karo ayaa DUHUR.COM u xaqiijiyey joogi-tanka Bursaalax ee Cali Khaliif Galayr,waxaana la sheegay inuu caawa halka ku hoyan doonno.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya,waxaa uu taageera maamulka Khaatumo oo dagaal kula jira Soomaaliland,waxaana lafilayaa innuu ka sii aado deegaanno iyo degmooyin ay ka mid tahay Burtinle.

Ujeedadda socdalka uu ku yimid Puntland,Cali Khaliif Galayr waxaa lugu sheegay kaddib casumaad uu ka helay Islaan Bashiir oo ka mid ah isimada ugu weyn Puntland, si la isugu soo dhoweeyo Puntland iyo Khaatumo,balse ma jirto cid wali xaqiijisay warkan.

Cali Khaliif Galayr ayaa la sheegay in socdaalkiisa ay ku wehliyaan waxgarad waxana wararka ay intaas ku darayaan in Garaad Jaamac Garaad Cali uu qayb ka noqon doono Shirka Burtinle balse uu socdaal ahaan ka dambeeyo Xildhibaanka.

Dhinaca kale,degmada Burtinle oo ka tirsan gobolka Nugaan waxaa ka socota a qaban qabada soo dhoweyn weyn oo loo sameynayo Cali Khaliif iyo xubno kale oo safarkiisa ku waheliya.

Warar kale oo isa soo taraya ayaa sheegaya in uu socdo dhex dhexaadin lagu doonayo in lagu heshiisiiyo madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) iyo Cali Khaliif Galayr.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay socdalka Galayr,waxaana inoo sura-gali waayey xiriiro kala gadisan oo an la sameynay,waxaana la sheegay inuu la shiro doonno Ugaas C/qaadir Cilmi iyo Amiirka Axmed halkaasna loogu sameeyay Casho Sharaf.

COMMENTS
  1. Salmaan said:

    Waar waanu fahansanahay waxa uu waayay meel uu ku ciido maadaama ay ka baacsadeen ciidanka qaranka j/ s l n