September 24, 2020 | Posted by admin

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa war ka soo saaray kulan uu maanta Madaxtooyada kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankan ayaa ka dambeeyay kaddib markii uu Ra’iisul Wasaaraha soo dalbaday inuu la kulmo C/raxmaan C/shakuur, iyagoo ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka, amniga iyo sida dalka uga gudbin lahaa marxalada kala guurka.

Kulan saacado qaatay ayaan maanta wada yeelannay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Kulanka oo uu Raysalwasaare Rooble igu martiqaaday ayaa iswaraysi iyo talo jeedin ahaa.

Waxaan si gooni ah diiradda u wada saarnay arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreyso doorashada oo xilligeeda ku dhacda si caddaalad iyo sinnaan lehna u dhacda.

Waxaan uga mahadcelinaya Raysalwasaaraha kalsooni gelinta ku aaddan in uusan doonaynin wax muddo kordhin ah, dadaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorshada xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, iskuna deyi doono in uu dadka u sinnaado

COMMENTS