November 17, 2020 | Posted by admin

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uga digay inuu ka shaqeeyo Ajende la xiriira Doorashada Federaalka 2020/2021.

Sidoo kale Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ugu baaqay in uusan Maamulka Galmudug dib ugu celin halkii ay beeshay sanadkii 2016.

“Anaga waxaan aaminsanahay in Galmudug gudaheeda looga shaqeeyo ku fiican tahay, laakiin meesha Galmudug marka hore beeshay haddana beeleysa waxa waaye, marka ajande doorasho Federaal looga shaqeeyo 2016 halkaas ayay beeshay oo waxaa la isku dayay doorashadii xamar in looga shaqeeyo, wixii ka dhacay waa la ogaa, haddana tii ayaa socoto, Madaxweynaha waa uga digaynaa, Madaxweynaha, Golihiisa Wasiirada iyo Baarlamaanka danta galmuudug haka shaqeeyaan, haddii ay isku dayaan inay ugu shaqeeyaan doorasho Federaal Madaxweynaha hadda jooga tii 2016 meesheeda ayay marayaan.” Ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa is weyn uga soo horjeeda qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan, isagoo dhowr jeer eedeymo Culus u jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iiusl Wasaare Rooble.

COMMENTS