January 5, 2013 | Posted by admin

Kenya-Afhayeen Uhadlay Ciidamada Booliska ee ku sugan Xerada Qaraxa uu ka dhacay ee Dhagaxley ayaa waxa uu sheegay in weerarkii xalay ay ku dhinteen illaa iyo 2 Ruux kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad Rayida oo ku sugnaa Goob laga shaaho oo ku taalla Xerada qaraxa uu ka dhacay ee Dhagaxley iyadoona uu dhaawac ka soo gaaraya tiro 7 qof gaarayo.

Sarkaalkaan ayaa ku tilmaamay falkii weerarka ahaa mid argigixiso ah oo la doonayo in lagu barakiciyo boqolaalka qaxootiga ah ee deegaansanaya Xeryaha qaxootiga ee Waqooyi Bari Kenya kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan ladaalaa dhacaya.

Mar uu ka hadlayay Cidda Ka dambeysay Qaraxa ayaa waxa uu dusha usaaray Maleeshiyaad Xiriir laleh sida uu hadalka udhigay Kooxda Al Shabaab oo ku sugan dalka Kenya.

“waxaan iminka baaritaan xoogan ku heynaa dadkii Maqaaxida Joogay xilliga uu wararku dhacayay “Sidaasi waxaa yiri afhayeenkaasi uhadlay Ciidamada Booliska Xeradaasi Dhagaxley.

Inkastoo dhaq dhaqaaqa Xerada dhagaxley uu maanta yahay mid sidiisii ku soo laabtay oo isku socodka dadka iyo Gaadiidka uu caadi yahay ayaa  hadana waxaa Jira dhaq dhaqaaq Ciidamadu ay ka wadaan halkaasi kuwaasi oo ay ku baadi goobayaan raggii weerarkaasi ka dambeeyay.

Dhanka kale waxaa lagula tacaalayaa Xarumaha Caafimaadka Hey’adda MSF dadkii kudhaawacmay qaraxii xalay ka dhacay Waqooyi Bari dalka Kenya Gaar ahaan Xerada Qaxootiga dhagaxley inkastoo qaar ka mida la soo sheegayo in xaaladooda ay soo hagaageyso

COMMENTS