July 23, 2020 | Posted by admin

Boqorka Sacudi Carabiya Boqor Salman bin Cabdulcaziz oo 84 sano jir ah ayaa ka soo kabanaya qalliin loogaga sameeyay kaadi haysta isbitaal ku yaal magaalada Riyadh.

Wakaalada wararka Sacudi Carabiya SPA ayaa shaacisay in xaalada boqorka ay wanaagsan tahay uuna ka soo ladnaanayo qalliin lagu guuleystey uuna ku sii jiri doono isbitaalka maalmaha soo socda.

Boqor Salman oo ahaa boqorka Sacudi Carabiya tan iyo sanadkii 2015kii ayaa isagoo ku jira isbitaalka Talaadadii aynu ka soo gudubnay waxa uu shir guddoomiyay isagoo isticmaalaya aalada muuqaal arraga.

Boqor Salman ayaa isbitalka la dhigay Isniintii, si baaritaan caafimaad loogu sameeyo, kadib markii uu olol ka dareemay kaadi-haysta.

COMMENTS