January 5, 2021 | Posted by admin

Afhayeenka Boliiska Soomaaliya oo War ka soo saaray Qarax caawa ka dhacay Muqdisho.

Qoraalka Afhayeenka Boliiska Soomaaliya Sidiiq Aadan Doodisho ayaa u qornaa sidaan

Asc, Bahda Saxaafada.

” Caawa abaare 8:55 fiidnimo ayeey miino la dhigay wadada 21 Oct dhinaceeda argagixisadu la eegteen dad iyo gaadiid marayay oo uu ku jiro gaarigayga, walow xiligaas aanan la socon.

Ilaahay mahadii cidna waxba kuma gaarin gaarigayga. Inkastoo dad wada marayay ay wax ka soo gaareen, ilaahay ha ubooga dhayo qofka dhaawaca ah.

Argagixisadu nama cabsi gelin karto, nafteena horay ayaan uqidmeeynta ummadda ugu hibaynay, ajashuna ilaahay ayeey gacantiisa ku jirtaa.

Mahadsanidiin.

COMMENTS