September 15, 2020 | Posted by admin

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa mar kale war kasoo saaray dhacdo Argagax leh oo 11 bishaan ka dhacday degmada Waabari ee gobolka Banaadir ka dib markii gabadh loo geystay fal kufsi ah ka dibna laga soo tuuray dabaq.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay waddaan baaritaano ku aadan falkaasi.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in shalay ay gacanta ku dhigeen 11 Eedeysane oo falkaasi lagu eedeeyay, islamarkaana hadda baaris ay ku socoto.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay ku raadjoogaan shaqsiyaad kale oo falkaasi lagu eedeeyay.

Gabadha oo lagu Magacaabo  Xamdi Maxamed Faarax ayaa katirsan ardayda sanadkan ka qalin-jibeyey dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho .

COMMENTS