September 16, 2020 | Posted by admin

Taliye ku xigeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Janaraal Sakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidanka Boliiska Galmudug howlgal ay xalay xilli dambe ka sameeyeen magaalada Cadaado ay ku soo qabteen, eedeysane Maxamed Ibraahim Cismaan oo lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa kiiskii marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, isla markaana uu falka kaddib ka baxsaday magaalada Muqdisho.

“Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku  soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dib”

Janaraal Sakiya ayaa shacabka Galmudug uga mahadcelisay gacanta ay ka siiyeen ciidanka Boliiska sidii loo soo qaban lahaa eedeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa sida ay sheegtay.

Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa dhawaan kooxo arxan daran waxey kufsi iyo dil ugu geysteen degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

COMMENTS